Delivery & Returns
Ugu yaraan dalabkaagu waa inusan ka yaraanin $300. Dalabkaaga waxaa lagugu soo gaarsiinaayaa 3-5 maalmood oo shaqo gudahood. Waqtiga keenista waxaa laga xisaabin doonaa laga bilaabo maalinta badeecada la diro, taas oo ah maalinta xigta ee shaqada, kadib marka la dalbado.
Xiliyada Fasaxa ama Ciida, waqtiyadaani wey dheeraan doonaan in si deg deg ah lagugu soo gaarsiiyo, adeegaaga. Culeyska jira awgeed, waxaan ku dhejin doonaa cusbooneysiin qaabka gaarsiin boggayaga maalmaha ugu danbeeya, kaas oo aad u baahan tahay in dalbato, hab kasta si aad u hesho dalbkaaga xiliyada Ciida.
Haddii aadan wax fariin ah ka tegin, dalabkaaga waxaa la soo diri doonaa maalinta shaqada ee xigta, waxaadna heli doontaa maalmo u soo horeeysa. Hadii fariin ka tagto, laakiin dalbato waqti cayiman weli ma awoodi doono inaan dhiibno maalinta xigta.
International delivery
La xiriir [email protected]. Kooxdaan [email protected] waxey kaga jawaabi doonaan su`aalahaaga ku saabsan mareega Asaltrades, dalabaadkaaga, adeegyada kale duwan ee gaarsiinta, badeecadaha shirkada markaas diyaarka u ah iibgentooda iyo tayadooda. Fadlan ogow, in kooxdaan ay ku hadli karaan luqado kala duwan sida Ingiriiska iyo af-Carabiga, waxeyna u tabo baran yihiin kooxdaan in ay kaga jawaabaan su`aalo walbo oo kula soo gudboonaado. E-mail noogu soo diri [email protected] 24/7.
Duty Payments
Badeecadaha la geeyo meelaha qaar ee ka baxsan Somalia, waxaa laga yaabaa in lagu soo rogo canshuur, khidmad ama kharashyo kale, kuwaas oo uu soo rogey sharciga maxaliga ah. Qofka badeecada helaya waxa uu masuul ka yahay dhammaan nidaamka kastamka dhoofintiisa iyo soo dejintiisa, waxaana laga rabaa in uu bixiyo kharash kasta oo dheeri ku ah isaga, oo ay ku jiraaan cashuurta soo dejinta kastamka rasmiga ah cashuuraha iyo kharashyada kale. Qofka alaabta helaya, maaha qofka dalbadey waxa uu heli doonaa codsi gooni ah oo lagu bixinaayo kharashyadaan.
Haddii aad dalbayso badeeco loo keenaayo qof kale, fadlan hubi in ay ka warqabaan in ay masuul ka yihiin kharashyadaan dheeraadka ah. Nasiib darro, ma lihin wax xakameyn ah eedeymahan mana saadaalin karno waaxey noqon karaan, markaa ma awoodno inaan ku bixinno wax caawimaad ah oo ku saabsan hababkaan. Waxaa kugula talineynaa in aad hubiso kharashyada soo dejinta ee lagu dabaqi karo wadan kasta ka hor intaadan naga dalban alaab.
Payments
Lacag bixinta dalabkaagu iyo adeega keenista “delivery” waa in lagu bixiyaa “Dollars” dhamaan qiimayaasha lagu muujiyey mareegaha ee badeecadaha iyo adeegyada geynta labadaba kuma jiraan wax canshuur ah “VAT” ee Somalia khuseeya.
Changing, cancelling or returning an order
Waan ka xunnahay in xaaladaha intooda badan aysan suurtogal ahayn in wax ka bedesho dalabkaaga mar haddii aad wax dalbatey. Hadii aad jeclaato in aad badeeco kale ku darsato dalab aad hore u dalbatey, fadlan dalab cusub sameey. Haddii aad u baahato inaad beddesho gebi ahaanba faahfaahinta cinwaan aad markaagii hore ku buuxisey dalabka, jooji gabi ahaanba, lana xiriir kooxdaan [email protected] wixii talo ah.
Customer Contracts and Regulations
Sharcigaan wuxuu ku siinaayaa xuquuqaha soo socdo markaa wax ka iibsato mareega Asaltrades, haddii shay khalad ah laguu soo diro, badeecad dhawacantey ama aanuu aheyn sida wax laguugu sharaxey mid ka duwan badeecad aad heshey.
Ugu horeyn, Asaltrades waxey kaliya iibisaa badeecad asalkoodu dhab yahay 100% saafina ah, saliidda iyo maadooyinka lagu darey ee lagu xirey caagadda waa asal, ama urta cadarka loo isticmaaley intuba waa asal, maadaama tani ay tahay habka kaliya ee lagu dammaanad qaadi karo asal ahaanshaha iyo tayada wax soo saar. Bakhaaarka warshada kama baxaan badeecad aan shaabadeysneyn laakiin haddii shabada la jebiyo ma awoodi karno caddayno xaqiiqjinaaya in badeecadaa soo celinaysid tahay mid asal ah, sababtan awgeed ma aqbali karno dib usoo celin badeecad hore loo iibsadey oo la soo furey. Waxaan dammaanad qaadeynaa tayada wax soo saar ee Asaltrades sameyso waxaana cadeyn u heysanaa dhammaan shahaadooyinka lagama maarmaanka u ah si loo caddeeyo arrintaas.
Check order status
Si aad u hubiso heerka dalabkaaga uu marayo, kaliya gal akoonkaaga “your account”;
Pending: Waxey ka dhigan tahay in dalabkaaga weli lagu gudo jiro
Order processing: Waxey ka dhigan tahay in dalabkaagu u dhexeeyo bakhaarka iyo dirid
Despatched: Waxey ka dhigan tahay in dalabkaagu ka baxey bakhaarka
Cancelled: Dalabkaagii waa la joojiyey adiga ama annaga midkood
Missing, incomplete or damaged order
Haddii dalabkaagu aanu iman ama laguu keeno dalab aan dhameystirneyn, marka hore fadlan dalabkaaga ka fiiri “online” adiga oo galaya akoonkaaga. Haddii dalabkaagu la soo dire laakiin aanu kuu iman wakhtigii la filaayey, fadlan u soo dir E-mail [email protected] inta u dhexeysa 09:00am ilaa 18:00pm, Sabtida ilaa Khamiista. Fadlan ogow; si aad u heshid lacag celin ama beddelka dalabka maqan waa in aad nagu soo war gelisaa 7 maalmood gudahood laga bilaabo taariikhda iibka in dalabkaagu inta aanu kuu iman. Ma awoodi doono inaan soo dirno beddel, ama soo celin lacageed haddii muddadaas ay dhaaftey welina nagu soo wargelin in dalabkaagu maqan yahay. Waxaa kale oo la moodaa in aad heshey dalabkaaga haddii wakhtigan ay dhaafto, maadaama wakhtiga diristu yahay 3-5 maalmood oo shaqo. Haddii dalabkaagu yimaado laakiin alaabtu waxyeelo soo gaarto, raac nidaamka badeecad soo celinta.
Refund policy
Waxaan rabnaa in aad ku faraxsanaato wax iibsigaaga. Haddii aadan ku faraxsaneyn, keliya nagu soo celi badeecada annaga, adoo raacaya tilmaamaha. Haddii lacag laguu soo celinaayo, mar walbo waxaan ku celin doonaa lacagtaas numberkii markii hore laga soo direy waa haddii aad buuxisey shuruudihii nidaamka lacag soo celin. Marka la eego xeerarka macmiilka “2013” u degsan adduun weynaha, haddii aad internetka badeeco ka iibsato xaquuqda macaamiilkaagu wuxuu xaq kuu siinaayaa lacag celin buuxda haddii aad mid qoraal ku codsato 7 maalmood oo shaqo gudahooda kadib markaad hesho. Tan waxaa ku jira kharash kasta oo keenista, laakiin waxaa ka saaraysaa waxaan hoos ku qoran.
Terms & conditions
Haddii aadan ku faraxsaneyn iibsiga, fadlan nala soo socodsii. Haddii aanay khalad ahayn, waxaan jeclaan laheyn in tani ay ku dhacdo 7 maalmood gudahood marka la iibsado alaabta. Haddii alaabtaada ku soo celiso maqsinkeena ood aad jeclaan lahayd in lacag laguu soo celiyo laakiin aadan haysan rasiidkaaga, xaqiijinta dalbashadaada ama qoraalka keenista, waxaanu kusiinin doona “foojar” hadyad ah u dhiganta qiimaha iibka. Sida caadiga ah haddii aad haysato warqadda rasiidka ama warqadda keenista waxaanu soo celin doonaa numberka loo adeegsadey iibsashada. Waa muhiin in shay kasta oo aan la rabin haddii aanu khalad ahayn in lagu soo celiyo xaalad dib loogu iibin karo, fursadna dib u siin kara shirkada in ay dib u iibiso.
Waxaan filaynaa in tani macnaheedu yahay in aad xafidid wax walbo oo macluumaad ah, xirxirka baakadaha kareemka ama shaambo qubeyta ku jiraan adigoo sumadooda “logo” dhowrayo inay waxyeello soo gaarin, ama aan la soo isticmaalin. Lama soo celin karo badeeco la furey, la isticmaaley ama dhawacantey. Haddii naloo soo celiyo dib baa loogu soo celin doonaa macaamilka. Fadlan ogow in aan la soo celin karin alaab la soo furey ama la soo isticmaaley. Badeecadaha aan xirneen waxaan u tixgelineynaa mid lasoo isticmaaley. Waxaa kaliya la soo celin doonaa kharash kasto “delivery” keenista ah oo aad bixisey keliya haddii aad heshey shey khaldan ama si khalad ah loo warshadeeyey.
Products which Asaltrades are unable to cancel, refund or exchange
Badeecadahaan waxaa ka mid ah;
• Kuwa si cad loo isticmaaley
• Kuwa aan daboolneyn
• Kuwa leh baakad dhawacan
Kuwaan kor ku xusan waxey burineyaan xuquuqdaada sharciga ah. Fadlan ogow, in markaad wax dalbaneyso aad ogolaatid shuruudaha Asaltrades u degsan, nidaamkaan qaab buuxineed. Intaas waxaa ku jiro shuruudo kala duwan sida; qaab bixinta lacageed, mas`uuliyada canshuur bixineed “International export”, iyo qaabka ama shuruudaha dib usoo celin badeecad hore loo iibsadey. Haddii aadan ku qanacsanayn mid ka mid ah sharuudahaas, waa in aad joojisaa isticmaalka mareega Asaltrades.