Asaltrades waa shirkad fadhigeedu yahay United Kingdom, laakin faraceedu goor dhow laga aasaasey Somalia, Galkacyo. Asaltraades iyo farceeduba waxey leeyihiin hanaan wada shaqeyn gaar u ah, qaabka ay u shaqeyso iyo nidamka wax soo saar oo aasaas ahaan  isku mid ah. Shirkadu waxey soo saartaa kabaha dacaska, kareemada noocyadiisa kala duwan iyo shaambo qubeysta. Asaltrades wax soo saarkeedu waa mid tayesan kana fog isticmaalka wax walbo oo kiimikooyinka ah waxyeelona ku ah aadmiga.

Wax soo saarka kabo dacas

Asaltrade waxey soo saartaa kabo dacas tayeesan oo dusha ka furan. Dacasyadaas waxey salka hoose ku leeyihiin gir giro dhumuc weyn leh taasoo ka mamnuceysa in qofka si sahlan ku simbiririxdo. Dacasyada waxey isugu jiraan kuwo xarago iyo guri joogba.

Wax soo saarka kariimada

Wax soo saarka kariimada waxa loogu magac darey “Asal Beauty” oo macnaheedu yahay quruxdii asliga. Kareemada badi waa daawooyin caawiya wejiga soona celiya iftiinkiisa sababtoo ah waxaa ku jira fitimiin C iyo fitimiin E kuwaasoo qeyb weyn ka qaata qoyaanka maqaarka iyo dib u soo nooleyntiisa.

Faa`iido wax soo saar

Shirkadu waxey soo saartaa kareemyo kala duwan oo mid walbo magac gaar ah leh iyo faa`iido kala duwan sida;

 • Dib usoo celinta maqaarka lakabkiisa hore gubtey ama madoobaadey

 • Ciribtirka finanka wejiga ama nabarada “Haarta” calaamadaha wejiga dushiisa

 • Ciribtirka dhabano casaan sababey isticmaalka kareem kiimikeysan

 • Joojin in wejigu yeesho “Miin” laalaab

Qaab isticmaalka kareemada

Qaab isticmaalka kareemka waxey ku xiran tahay qof walbo siduu u rabo. Hadii wajigaagu dufan leeyahay ha isticmaalin kareem dufantu ku badan tahay ee isticmaal kareem dufantu ku yar tahay. Aqri waxyaabaha laga sameeyey kareemka ka hor intaadan isticmaalin. Aad bey u yar tahay in kareemku nooc walbo ood ka isticmaasho  uu dhibaato kugu keeno sababtoo ah wax kiimiko ah laguma darin.

Wax soo saarka shambo qubeysta

Sidoo kale shambo qubeysta ay soo saarto Asaltraades waa mid dabiici ah, nafaqeyneysa timaha kana hortagta bidaarta. Shambo qubeystan waxaa laga sameyey maadooyin dabiiciya iyo Bluebery Oil iyo fitamiin E oo nafaqeysa timaha kana hor tagta bidaarta.