Privacy policy
Qaanuunka arrimaha khaaska u ah shirkada baa si faahfaahsan u sharaxaaya noocyada xogta shakhsiyeed ee laga yaabo inaan kasoo ururino “E-mail” kaaga markaad nala macaamileyso. Waxaa kale oo ay sharaxeysaa sida aan u kaydin doono ama u maareyn doono xogtaas “E-mail” una u ilaalin doono ammaanka shaqsiyadeed. Waa ognahay inay jiraan macluumaad badan, laakiin waxaan rabnaa in si buuxda kuugu sheegno xaquuqdaada iyo sida Asaltrades u isticmaasho xogaha.
Who is Asaltrades?
Asaltrades waa magaca sharciga ee shirkada, kaas oo iibiya alaabta leysku qurxiyo iyo alaabto kala duwan sidan hore ugu soo sheegney.
Explaining the legal basis the company relies on
Sharciga ilaalinta xogaha macmiilka baa qeexeysa dhowr sababood oo kala duwan oo ay shirkaddu u ururin karto xogaha macmilka una habeyn karto xogohaas shaqsiyadeed oo ay ku jirto;
Consent
Xaalado gaar ah, waxaanu ururin karnaa oo ka baaraan degi karnaa xogtaada ama kugu shaqeyn karnaa keliya markaad noo ogolaato. Xogtaan waxa keliya ku kooban tahay E-mailka iyo telefoon numberkaad la wadaagtey shirkada taasoo ah xog lagama maarmaan u ah adeegaaga gaarka ah.
Contractual obligations
Xaalado gaar ah, waxaan u baahanahay xogtaada shaqsiyadeed si aan ugu hogaansano waajibaad qandaraaska. Sida, markaa naga dalbato alaab, waxaan kaa qaadeynaa cinwaankaaga si laguugu keeno alaabtaad dalbatey. Cinwaankaas waxaa la wadaageynaa qof sedexaad “transportation” shufeerka gaariga wado si lagugu keeno bartaad joogtey.
Legal compliance
Sida sharciga na faraayo, mar walbo ururino xogtaada waa in aan xafidno. Keliya waxaa la wadaagi karnaa xogtaas sida E-mail ama telefoon numberkaaga markaad ku lug yeelato fal danbiyeed saameeya shirkada, sida in aad bixin weydey kharash wax ku iibsatey “cash in hand”.
Legitimate interest
Xaalado gaar ah, waxaa uga baahan nahay xogtaada sida “E-mailkaaga” si aan kugu soo dirno farsamo cusub ee kusoo korortey wax soo saarka Asaltrades. Waxa macquul ah in tan ay saameyn ku yeelato xaquuqdaada, xorriyaddada ama danahaaga. Haddii aadan rabin in aad naga hesho farriimo xayeesiis, fadlan iska bixi barta xayeesiinta.